
14 NOVEMBER waa xuska maalinta macaanka aduunka sidaa awgeed wacyi galin badan oo xanuunka ku saabsan ayaanu halkan kusoo bandhigi doonaa.
MACAANKA BARO SI AAD ISAGA ILAALISO
Xanuunka macaanku waa xaalad uu heerka sonkorta dhiigga (Blood Glucose) ka sarreeyo heerka caadiga ah.
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah:
1. Harraad badan.
2. Kaadi badan.
3. Gaajo joogto ah.
4. Miisaanka oo yaraada iyadoo aan la qorshayn.
5. Daal badan.
6. Aragga oo daciifa.
7. Nabarada oo si gaabis ah u bogsada.
Farriinta maanta: Ha sugin in calaamaduhu kugu bataan. Iska baar sonkorta dhiigga, gaar ahaan haddii aad leedahay waxyaabaha halista kordhiya.